Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa maanta sheegay, in difaacyadooda cirka ay soo rideen 51 ka mid ah 92 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo uu Ruushku kusoo weeraray dalkooda heebimadii jimcaha ee ay sabtidu soo galaysay.
Kyiv ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegay, in 31 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee uu Ruushka farsameeyo la waayay, taasi oo muujinaysa in milatarigu ay isticmaalayeen dagaal electronic ah, si ay uga hortagaan ama u carqaladeeyaan diyaaradahan.
Waxay intaas ku dareen in burburka diyaaradahan lagu arkay gobollada Kyiv, Zhytomyr, Sumy iyo Dnipropetrovsk.
Shalay Jimcihii saraakiisha Ukraine ayaa sheegay, in weerar uu Ruushku ku qaaday magaalada Kryvyi Rih (bartamaha Ukraine) ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan sagaal carruur ah, ayna ku dhaawacmeen illaa 60 kale.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya ayadoo wasaaradda Difaaca ee Ruushka ay sheegtay, in ay weerar loo adeeegsaday gantaallo ah ku qaaday maqaayad ku taalla magaalo ka tirsan dalka Ukraine, halkaas oo ay ku shirayeen taliyeyaasha iyo tababarayaasha reer galbeedka, ayagoo sheegay inay halkaas ku dileen in kabadan 80 xubnood oo iskugu jira askar iyo saraakiil.