Ciidamada Xabashida Itoobiya Oo Khasaaro Xooggan Lagu Gaarsiyay Qarax Lagula Beegsaday Magaalada Baydhabo.

40
0

Wararka naga soo gaaraaya gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in uu dhacay weerar qarax ah oo lala beegsaday ciidanka Xabashida Itoobiya.

Weerarkan qaraxa ah oo ahaa mid aad u culus ayay guutada qaraxyada Al-Shabaab si gaar ah ugu weerareen ciidanka Xabashida Itoobiya ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaallada Baydhabo.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu qaraxaasi u geystay ciidamada shisheeye ee xabashida Itoobiya.

Sida macluumaadka aan heleyno ay  tibaaxayaan ugu yaraan 2 askari oo Itoobiyaan ah ayaa qaraxaasi ku dhintay, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada shisheeye ee xabashida Itoobiya ayaa wajahaaya dhiig bax aad u dara ayagoo la kulma weeraro aad u culus oo khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay tan iyo markii ay gudaha u soo galeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here