Ciidamada Xabashida Itoobiya oo Xoog ku Qabsaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Luuq.

55
0

Ciimado Itoobiya oo kasoo gudbay Xadbeenaadka uu dalka Itoobiya la wadaago gobolka Gedo, ayaa saacadihii lasoo dhaafay awood kula wareegay gacan-ku heynta garoonka diyaaradaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Ciidamada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa isaga cararay garoonka.

Askarta xabashida ayaa saldhigtay garoonka Luuq, waxayna la soconayaan guud ahaan dhaqdhaqaaqa garoonka.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa xilli ay isfaham darro siyaasadeed ay ka dhex jirto dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlada xabashida Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here