Ciidamada Xarakada Al-Shabaab oo Duqaymo La beegsaday Xarun Tababar oo ku Taalla Dagmada Dayniile.

53
0

Militariga Xarakada Al-Shabaab  ayaa barqanimadii maanta duqeeyey xero lagu tababaro maleeshiyaatka dawladda Fadaraalka  oo ku taalla degmada Deyniile. Xeradan ayaa aad ugu dhow garoonka diyaaradaha ee Deyniile.

Inta la hubo, 3 askari ayaa ku dhimatay duqeyntan, 5 kalena waa ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale duqeynta ayaa sababtay inuu dab ka kaco qeyb ka mid ah xerada taas oo geysatay burbur xoogan.

Wixii soo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha’Allaah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here