Ciidamada Xarakada Alshabaab oo Saaka Weeraray Saldhiga Ilbaq ee Duleedka Degmada Balcad.

63
0

Saaka Subaxnimadii hore ayee ciidamada Alshabaab waxay weerar xoogan ku qaadeen saldhigga ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka “Ilbaq” ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xeryihii ay ciidamada shisheeye ee Burundi ku wareejiyeen ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana ku sugnaa boqolaal askari.

Sida ilo warbaahineed oo lagu kalsoon yahay ay sheegeen ciidamada Alshabaab waxaa u suuragashay inay si buuxda ula wareegaan xerada.

Dhanka kale Khasaaraha dhimashada ee ilaa hadda aan xaqiijinay waa dhimashada 27 askari iyo dhaawaca tiro intaas ka badan oo soo gaaray ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ugu xoogan ayaa ka dhacay dhulka hawdka ah ee ay ku firxadeen ciidamada dowlada Soomaaliya ee laga qansaday xerada Ilbaq.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in xarakada Alshabaab ay la wareegtay hub, gadiid gaashaaman iyo saanad ciidan ee taalay xerada Ilbaq ee duleedka degmada Balcad ee Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here