Dagaal u dhaxeeyey ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda Fadaraalka ayaa maanta wuxuu ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee Hiiraan, dagaal xooggan kadib ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goobta u haray, iyagoo halkaas ku dilay 2 askari oo meydkooda cadowga ka carareen, halka lagu dhaawacay askari kale.
Dhanka Shabeellada Hoose, Qarax ay Mujaahidiinta maanta ka fuliyeen gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ayaa lala eegtay gaari ay la socdeen askarta dowladda Fadaraalka, waxaana qaraxaasi ku dhintay 2 askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, iyadoona uu burburay gaariga la qarxiyey.
Qaraxasi maanta ka dhacay magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose waxaa dadkii ku dhaawacmay kamid ahaa Sarkaal lagu magacaabo Muxiyadiin Maad-gaab.
Hawgalladaan ayaa kusoo beegmayo, iyadoo qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Fadaraalka, halka lagu dhaawacay 5 kale.