Ciidamada mujaahidiinta ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro ka fuliyay gobalada Baay iyo Bakool, waxayna halkaas ku dileen saraakiil iyo askar ka kala tirsan ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleshiyaadka maamulka Konfur Galbeed.
Gobolka Bakool waxaa ka dhacay howlgal qarax ah oo ay shalay ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen degmada Waajid, waxaana halkaas ku baqtiyay 2 askari oo Itoobiyaan ah oo mid uu yahay sarkaal miino baara ah, waxaana ku dhawacmay 2 kale.
Dhanka gobalka Baay, Waxaa xog dheeraad ah laga helayaa khasaaraha maleshiyaadka Konfur Galbeed lagu gaarsiiyay weerar qorsheysan oo shalay ciidamada Mujaahidiintu la beegsadeen maleeshiyaatka ku sugan xerada Makuundo oo dhacda duleedka Baydhabo.
Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa gaaraya dhimashada 4 askari iyo dhaawaca 12 kale.