Ciidamada Yahuudda Ayaa Dad Shacab ah ku Dhaawacay Koonfurta Dalka Lubnaan.

22
0

Ciidamada Yahuudda ayaa 9 qof oo shacab ah ku dhaawacay 4 kalena ku xirxiray koonfurta Lubnaan, halka ciidammada Lubnaanna ay ku dhawaaqeen in ay soo gebagebeeyeen hawl-galkii ay ka wadeen degaanka koonfurta wabiga Litani.

Arintan ayaa ku soo beegantay iyadoo Yahuuddu ay markii 19 jebiyeen heshiiskii xabbad-joojinta ahaa ee ay la galeen urur xisbullaah ee ka dagaalama dalkaas, kaas oo hirgalay 27k-ka bishii November ee sanadkii tagay.

Iyadoo la tixraacayo xadgudubka joogtada ah ee Tel Aviv ee heshiiska, Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa ku sheegtay – bayaan ay soo saartay – in 5 qof lagu dhaawacay magaalada Majdal Selem, oo ku taalla degmada Marjeyoun ee gobolka Nabatieh, iyada oo ay sabab u tahay a Duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah oo ay lee yihiin Yahuuddu.

Degmada Marjeyoun, sidoo kale laba muwaadin oo Lubnaaniyiin ah ayaa ku dhaawacmay kaddib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay bambaanooyinka dhawaqa ku riday isu imaatin ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo iskugusoo baxay deegaanka Wadi Al-Saluqi.

Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada Yahuuddu ay rasaas ku fureen laba qof oo isku dayay in ay hore ugu sii socdaan magaalada Maroun al-Ras, oo ka tirsan degmada Bint Jbeil ee gobolka Nabatieh, taas oo keentay in ay dhaawacmaan.

Duleedka isla magaaladaas ayay ciidamada Yahuuddu ku xirxireen 4 qof oo Lubnaaniyiin ah, kuwaas oo goordambe 3 kamid ah lasii daayay, iyadoon aan la ogayn ilaayo hada sababta loo xira shakhsiga kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here