Ciidamada Yahuudda ayaa Xasuuq ka Geysatay Qazza, Iyo Xaalada Lubnaan

19
0

 

 

 

Ciidamada  Yahuudda  ayaa ugu yaraan 111 falastiiniyiin ah ku dilay Marinka Gaza Sabtidii, sida ay sheegeen ilaha-caafimaadka.

Sawiro ay Al-Jaziira kasoo qaaday Goobta ayaa waxaa laga dheehan karayaa Meydad ay ku duuban yihiin baco.

Dhanka kale  Yahuudda ayaa sii wadda duqeymaha ay ku hayso Lubnaan ka dib markii ay ku dishay sarkaalkiil ugu sarreeyay ee xiriirka warbaahinta ee Xisbullah, Mohammad Afif, oo ay weerar cirka ah ku qaadday bartamaha Beirut. Xasuuqa Yahuuda  ee Qaza waxa ku dhintay ugu yaraan 43,846 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 103,740 tan iyo October 7, 2023.

Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Yahuudda intii lagu guda jiray weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 ayaa la qabtay.

Lubnaan, ugu yaraan 3,481 qof ayaa lagu dilay 14,786 waa lagu dhaawacay weerarrada Yahuudda tan iyo markii uu billowday dagaalka Gaza.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here