Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa shaacisay, in 5 ruux oo falastiiniyiin ah ay ku shahiideen gobalka Jenin oo dhaca waqooyiga daanta galbeed ee la haysto, iyadoona goobjoogayaal ay u sheegeen warbaahinta, in qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Jenin ee ah xarunta gobalka, taas oo ay ciidamada gumaystaha kusii qulqulayaan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ciidamada gumeysiga ay toogasho ku dileen labo kale oo dhalinyaro Filastiiniyiin ah oo ku sugnaa xaafadda bari ee Jenin.
Ilo wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada Yahuudda ay xoog ku galeen deegaan u dhaxeeya magaalada Qabatiya iyo tuulada Muthallathu Shuhadada ee koonfurta Jenin, waxayna hareereeyeen guri ay ku sugnaayeen saddex dhallinyaro ah, ka hor inta aysan deegaan ku garaacin tiro gantaallo ah iyo rasaas.
Intii uu socday howlgalka milatari ee ay ciidamada Yahuuda ka wadaan magaalada Jenin tan iyo waabarigii Talaadadii, waxa ay burburiyeen kaabayaashii dhaqaalaha ee magaalada, waxayna go’doomiyeen isbitaalladii, iyagoona ku dhaawacay illaa 9 ruux, sida ay sheegeen Ururka Bisha Cas ee Falastiin.
Shabakadda Quds News ayaa sheegtay, in ciidamada gumaystaha ay si toos ah ubeegsadeen gaadiidka gurmadka degdega ah ee ku sugan xaafadda bari ee Jenin, kooxaha iska caabinta ee Falastiin ayaana walxaha qarxa la beegsaday ciidamada gumaystaha oo ku sugnaa xaafadda bari ee Jenin, waxaana la maqlay qaraxyo waa wayn oo goobta ruxay.
Goob joogayaal ayaa wakaalada Anadolu u sheegay, in ciidamada Yahuudda ay ku xoojiyeen ciidamadooda ku sugan xerada Jenin, cagaf-cagafyo iyo gawaari dagaal, waxayna xoog ku qabsadeen gaari ambalaas ah, iyagoona garaacay shaqaalihii la socday ambalaasta.
Garabyada hubeysan ee ku sugan xerada Jenin ayaa iska horimaad xooggan la galay ciidamada gumeysiga oo gudaha u galay magaalada, waxayna khasaare toos ah gaarsiiyeen ciidamada Yahuudda ee ku sugan magaalada.