Ciidamada Yahuudda oo Duqaymo Xaga Cirka ah ka Gaystay Waqooyiga Daanta Galbeed.

21
0

Ciidamada Yahuudda ayaa weeraro culus ka gaystay tuulada Qabatiya ee kofurta magaalada Jenin, kaas oo dhaliyay dhimashada iyo dhaawaca dad Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa halka la weeraray.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa ku dhawaaqday, in shan Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen dab ka kacay waqooyiga Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee gumaysiga ku jira.

Illahan caafimaadka ah ayaa sheegay in duqeyntan ay Yahuuddu ka geysatay tuulada Qabatiya ee koonfurta magaalada Jenin ay ku dhinteen laba qof oo Falastiiniyiin ah, iyadoo sidoo kale weerar lagu qaaday mid ka mid ah xaafadaha bari ee magaalada Jenin uu sababay dhimashada saddex muwaadin oo uu ku jiro wiil 16 jir ah.

Ciidamada Yahuudda ayaa bilaabay inay duulaan ku qaadaan magaalooyinka dhaca  waqooyiga Daanta galbeed 21-kii Janaayo, labo maalmood uun kaddib markii ay dhaqan gashay xabad joojintii Qaza ee u dhaxeysay Yahuudda iyo Xamaas.

Yahuudda ayaa sheegtay, in boqollaal askartooda ah oo ay xaga cirka ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ay si toos ah hor imaad ugula jiraan xooggaga muqaawamada Falastiiniyiinta, kuwaas oo ku sugan gudaha xerada Jenin iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka difaaca Yahuudda Yisrael Katz ayaa Arbacadii sheegay, in ciidamadiisu ay ku sugnaan doonaan magaalada Jenin illaa inta uu ka dhamaanayo hawlgalka milatari ee ay halkaas kawadaan, isaga oo aan cayimin wakhtiga uu dhamaan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here