Ciidamada Yahuudda oo Falal Wuxuushnimo ah ka Geystay magaalooyinka Arixa iyo Jenin ee Daanta Galbeed.

11
0

Ciidamada Yahuudda ayaa burburiyay warshad timireed ku taallay waqooyiga magaalada Ariixa  ee bariga Daanta Galbeed, iyagoo dab qabadsiiyay guryo ku yaallay xerada Jenin oo maalintii 42-aad ay Yahuuddu hawlgallo ka waddo.

Sidoo kale ciidamada gumeysiga ayaa burburiyay bakhaar ganacsi iyo goobo dadwayne oo ku yaallay isla magaalada Arixa, iyagoo ku marmarsiyoonaya inay dhismayaashani ay ahaayeen sharci la’aan.

Bartamaha Daanta Galbeed, ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta, in ciidamada gumeysiga ay dab qabadsiiyeen guryaha Falastiiniyiinta ee ku hareereysan xerada Jenin.

Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in ilmo yar uu ku dhaawacmay kadib markii ciidamada gumeysiga ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku fureen duleedka xerada Jenin ee Daanta Galbeed ee la heysto.

Ciidamadii Sahaayinada ayaa ka baxay dhismaha Al-Rabi’ oo ku yaalla agagaarka xerada Jenin, waxaana burbur xooggan uu soo gaaray guryihii ay daganaayeen ee halkaasi ku yaallay, iyagoo fariisimo ka samaystay xaafado dhowr ah oo ka tirsan xaafadda Al-Jabaariyad.

Dhanka kale, guddiga warbaahinta ee xerada Jenin ayaa ku dhawaaqay, in duulaanka gardarada ah ee Yahuuddu uu sababay barakaca in ka badan 20 kun oo Falastiiniyiin ah oo ku noolaa xerada.

Guddiga ayaa sheegay in ku dhawaad ​​boqolkiiba 90% dadkii ku noolaa xeradaasi ay si qasab ah uga barakaceen, waxaana sidoo kale ay tilmaameen, in duulaanka gardarada ah ee Yahuuddu uu keenay, in la jaro biyihii iyo korontadii, isla markaana ay gabaabsi noqdeen cuntada iyo baahiyaha caruurta.

Guddiga warbaahinta ee xerada Jenin ayaa sharaxay, in Yahuudda ay burburisay illaa 498 guri iyo dhismayaal, gabi ahaan ama qaybo kamid ah.

Waxaa maalintii 42-aad sii socda duullaanka gardarada ah ee ay ciidamada Yahuuddu ku hayaan magaalada Jenin iyo xeradeeda, kaasoo sababay dhimashada 27 ruux, iyadoo ay u sii dheer tahay tobanaan dhaawacyo iyo maxaabiis ah, barakaca shacabka, iyo burburka joogtada ah ee soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha iyo guryaha, kuwaas oo saameeyay ku dhawaad ​​120 guri gabi ahaan iyo qeyb ahaan Tobanaan guri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here