Dooni ay Saarnaayeen Dad Tahriibayaal ah oo Shil ku Gashay Xeebaha Dalka Giriiga.

10
0

Ciidamada Ilaalada Xeebaha ee Giriiga ayaa Jimcihii sheegay, inay soo saareen meydadka 8 qof oo tahriibayaal ah oo ku dhacay badda, xilli ay ciidamadu eryanayeen dooni dheer oo ay saarnaayeen, taas oo ka baxday jasiiradda Rhodes.

Sida ay sheegeen ciidamada ilaalada xeebaha dalka Giriiga, markabka ilaalada xeebaha ayaa eryanayay dooni nooca dheereeysa ah oo ay saarnaayeen dad tahriibayaal ah, kaddibna waxaa isku dhacay markabka ciidamada iyo doontii tahriibayaasha, taas oo keentay in qaar ka mid ah rakaabkii la socday doonida ay ku dhacaan badda. Waxa ay intaa ku dareen, in ay soo badbaadiyeen 18 qof oo ay ku jiraan Labo caruur ah iyo Saddex dumar ah.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay, in 8 qof ay ku dhaawacmeen shilkaas oo ay ku jirto haweeney dhaawac halis ah soo gaaray.

Sidoo kale Sarkaal kale oo ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay, in doonida tahriibayaasha ay la socdeen oo ku socotay xawli aad u sareysa ay ku dhacday markab kamida kuwa ilaalada xeebaha xilli ay ku mashquulsanaayeen sidii ay u baxsan lahaayeen.

Giriiga oo ku yaalla Koonfurta fog ee Yurub, ayaa ah marinka ay door bidaan tahriibayaasha iyo qaxootiga ka imaanaya Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya, kuwaas oo doonaya inay gaaraan Yurub. Sannadkii 2015-kii, ku dhawaad ​​Hal Milyan oo qof ayaa soo gaaray jasiiradaha Giriiga  ka hor inta aysan intooda badan u gudbin dalalka Galbeedka Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here