Ciidamada Yahuudda oo Hub Kiimikaa Ku Garaacay Qaybo Kamida Marinka Qaza.

3
0

Ilo dhanka caafimaadka ah ayaa Aljazeera u sheegay, in 22 Falastiiniyiin ah ay ku shahiideen  duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay marinka Qaza 24-kii saac ee lasoo dhaafay, halka difaaca madaniga ah ee ku sugan marinka go’doonsan ay xaqiijiyeen in tiro ka mid ah meydadka shuhadada la waayay, kaddib markii ay ciidamada Yahuuddu ku garaaceen hub kiimika ah.

Duqeymo ay Yahuuddu ka geysatay marinka Qaza, ayaa la sheegay in lagu dilay Labo qof oo Falastiini ah, halka kuwo kalena lagu dhaawacay, duqaymahan ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Qaza.

Difaaca madaniga ah ee marinka Qaza ayaa sheegay, in shaqaalahoodu ay soo saareen maydka qof ku shahiiday duqaynta, halka ay isla goobtaas kasoo saareen 3 qog oo dhaawac ah, kaddib markii diyaaradaha Yahuuddu duqeeyeen guri ay deganaayeen dad Falstiiniyiin ah oo ku dhowaa masjidka xaafada Zeitoun oo koonfur bari ka xigta magaalada Qaza.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay, in qof kale oo Falastiini ah uu ku shahiiday, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kaddib markii diyaaradaha Yahuuddu ay duqeeyeen guri ay degan yihiin dad shacaba oo ku dhow Masjidka Al-Kanz oo ku yaalla xaafada Al-Rimal, halka madaafiic lagu duqeeyay bariga xerada Al-Bureyj.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here