Ciidamada Yahuudda oo isaka baxay Magaalada Jenin.

28
0

Ilo wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada guumaysiga Sahaayinada ay gabi ahaanba isaga baxeen magaalada Jenin, kaddib howlgalo ciidan oo socday ku dhawaad ​​labo maalmood, waxaana ku shahiiday hawlgalladaas 8 ruux oo falastiiniyiin ah, halka 19 kalana ay ku dhaawacmeen, iyadoo intaas lagu darayo tobanaan kale oo ay xabsiga utaxaabeen, waxaana sidoo kale ka dhashay duulaankaas burbur weyn oo soo gaaray guryaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada.

Waxaana dhacay muddadii ay gumaystaha ku sugnaayeen magaalada iska hor’imaadyo gacan ka hadal ah oo dhex maray muqaawamada Filastiiniyiinta iyo ciidamada gumaysiga ee ku sugnaa deegaanno dhowr ah, gaar ahaan xaafadda bari ee magaalada, duleedka xerada iyo tuulada Kafr Dan.

Wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee WAFA oo soo xiganaysa guddoomiyaha gobolka Jenin, Kamaal Abu Al-Rub, ayaa xaqiijiyay in laba wiil oo dhallinyaro ah lagu dilay magaalada Kafr Dan ee galbeedka Jenin, ciidammada gumaysiga ayaana diiday in la qaado meydadkooda.

Sida ay sheegtay wakaaladu, tirada shuhadada ee magaalada ayaa gaartay 3 ruux,  halka gobolkana ay ku  shahiideen illaa 8 ruux, marka lagu daro 19 dhaawac ah, intii uu socday duulaanka gardarada ah ee lagu qaaday magaalada Jenin iyo dhowr magaalo oo ka tirsan gobolka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here