Ciidanka Sahaayinada ayaa ku dhawaaqay in ay shalay soo rideen, diyaarad hub siday oo ka timid dhanka Masar, kuna wajahneed dhulka Falastiiin ee ay Yahuudda gumaysato.
War ka soo baxay ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay, in diyaarada ay saarnaayeen afar qori, shan kartoon, iyo boqollaal rasaas ah, waxayna intaas ku dareen in hubka iyo rasaastaba ay ku wareejiyeen ciidamada amaanka ee Sahaayinada si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in maamulka Masar aysan wali ka jawaabin dhacdadii shalay.
Yahuudda waxay sheegtay inay sidoo kale soo ridday laba dhacdo oo kala duwan bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaasoo hub ka soo waariday dhulka Masar, iyadoo weerarka gardarada ah ee ay ku qaadday Marinka Qaza uu socda muddo sanad ka badan.