Sabtidii, ciidamada Yahuudda ayaa dib u cusboonaysiiyay mamnuucidda dadka deggan koonfurta Lubnaan inay ku laabtaan guryahooda oo ku kala yaalla in ka badan 60 tuulo iyo magaalooyin illaa amar dambe, iyagoo ku hanjabay inay beegsan doonaan.
Afhayeenka ciidamada Sahaayinada, ninka lagu magacaabo Avichai Adraee, ayaa u sheegay warbaahinta Carabta: in dadkii ka barakacay tuulooyinka kala ah: Shebaa, Al-Habbariyeh. , Marjayoun, Arnoun, Yahmar, Al-Qantara, Shaqra, Baraashit, Yater, iyo Al-Mansouri, ay mamnuuc ka tahay inay dib ugu laabtaan illaa amar dambe.
Waxa uu intaa ku daray: “Ciidanka Yahuudda kuma talo jiraan inay idin bartilmaansadaan, sidaas darteed waxaa la idinka mamnuucayaa marxaladdan inaad ku soo noqotaan guryahiinnii illaa amar dambe, qof kasta oo u soo dhaqaaqa koonfurta khadkan wuxuu isu soo bandhigayaa khatar.” Ninkaan oo hadalkiisa sii wata ayaa illaa 60 tuulo iyo magaalooyin carrabka ku dhuftay, kuwaas oo ay mamnuuc tahay inay kusoo laabtaan dadkii daganaa.
Jimcihii, ciidamada Sahaayinada ayaa weerarro ku qaaday goobo ku yaalla koonfurta Lubnaan, waxayna sidoo kale banbooyin ku rideen hawada magaalada Bint Jbeil, inkastoo uu dhaqan galay heshiiskii xabbad joojinta ee Lubnaan iyo Yahuudda ay wada galeen Arbacadii, balse waxaa marag madoonta ah in Yahuudda agteeda usan wax kasoo qaad noqonin heshiiskaas.
Diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ayaa sidoo kale Labo gantaal la beegsaday deegaanka Wata al-Khiyam ee koonfurta Lubnaan.