Ciidamada Yahuudda ayaa sheegtay, in duqeyn cirka ah oo ay ka fuliyeen Koonfurta Lubnaan ay ku beegsadeen mid ka mid ah xubnaha ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah ee ku sugan koonfurta dalkaas, gaar ahaan magaalada Khiyam.
Bayaan ay soo saareen ciidamada Yahuudda ayaa lagu sheegay, in sarkaalka la beegsaday uu ka tirsanaa unugyada Xisbullaah ee ka hortagga taangiyada. Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay, in weerarka lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Wata al-Khiyam, halkaas oo uu ku naf waayay qof Lubnaani ah, inkasta oo aysan Xisbullaah wax war ah kasoo saarin sheegashaya Yahuudda.
Diyaaradaha Yahuudda ayaa duqaymo ka wada koonfurta Lubnaan tan iyo markii lakala sixiixday heeshiiskii dagaalka lagu hakiyay horaantii sanadkan, waxayna Yahuuddu dileen boqolaal qof oo shacab Lubnaaniyiin ah.