Ciidamada Yahuudda ayaa sheegtay in ay maanta dileen xubno sare oo ka tirsanaa ururka shiiciga ah ee Xisbullaah, kuwaas oo ururka u qaabilsanaa hagidda hawlgallada ay kooxdu ka fulinayaan deegaannada Yatar iyo Mays al-Jabal.
Ilo wareedyo maxali ah ayaa sheegay, in duqaytan ay sababtay dhimashada Labo hogaamiye oo katirsanaa Xisbullaah, weerarkan ayaana si gaara uga dhacay koonfurta Lubnaan.
Wakaaladda Wararka ee Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay, in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu ay weerar duqayn ah la beegsadeen gaari marayay magaalada Mays Al-Jabal, waxaana ku dhintay hal qof sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.
Wakaaladdu waxay mar sii horreysay soo xigatay hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka oo lagu sheegay, in Weerar dhinaca cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay baabuur marayay magaalada Yatar uu sababay dhimashada hal muwaadin iyo dhaawaca mid kale.
Yahuudda ayaa illaa saddex weerar ka fulisay koonfurta Lubnaan 24-kii saac ee la soo dhaafay, weeraradan ayaa imaanaya ayadoo diyaradaha Yahuudda iyo kuwa Maraykanka oo is garab sanaya ay saacadihii lasoo daafay weeraro xooggan ka gaysteen magaalada Sanca ee caasimada Yemen.