Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa oll-ole xoogg ku galla ah ee ay ku qaadeen magaalooyinka iyo tuulooyinka dhaca Daanta Galbeed ee la haysto, waxa ay ka geysteen xadgudubyo isugu jira garaacid iyo xarig, iyagoona wada hawlo baaritaano ah oo ka dhan dadka shacabka.
Wakaalada rasmiga ah ee falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in ciidamada gumeysiga Yahuudda ay xireen wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ihab Abu Sharkh, kaddib markii ay ku weerareen magaalada qadiimiga ah ee Al-Khaliil.
Wakaaladdu waxay sheegtay, in ciidamada Sahaayinada ay xireen Koontaroolka Waddada Shuhada, ee aada dhanka Tel Rumeida, isla markaana ay u diidayeen shacabka inay soo galaan ama ka baxaan magaalada.
Dhankeeda, Saraayaa Al-Qudus, garabka milateri ee Xarrakatul Jihaad Islaami, ayaa sheegtay, in dagaalyahanadooda ay beegsadeen gaari ay leeyihiin ciidamada Yahuudda, kaaas oo ku sugnaa xerada Balata ee Bariga magaalada Nablus, waxaana soo gaaray waxyeello daran.
Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale xoog ku galay Ramallah iyo Al-Bireh, waxayna weerareen tuulada Nabi Saalax, iyagoo bambooyin dhawaq leh ku tuuray dadka shacabka iyo guryahooda, waxayna xireen Labo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay garaaceen ka hor inta aysan sii deyn, sida ay sheegtay wakaaladda Falastiin.
Gobolka Beytlaxam, iska hor imaad ayaa ka dhacay Galbeedka laga soo galo magaalada Tuqu, halkaas oo ciidamada Yahuudda ay u adeegsadeen shacabka sunta dadka ka ilmeysiisa, waxayna dadka rayadka ah ku fureen rasaas, balse lama soo sheegeen wax waxyeello ah oo ka soo gaartay dadka, sida ay sheegtay wakaaladda falastiiniyiinta.