Ciidamada Yahuudda oo Xayiraad Kusoo Rogay Qaar Kamida Wadooyinka Waawayn ee Danta Galbeed.

14
0

Ciidamada Yahuudda ayaa halkooda kasii wada go’adoominta adagg ee ay ku hayaan dhulka Daanta Galbeed, waxa ayna subaxnimadii hore ee maanta gudaha u galeen magaalooyin badan oo ku yaalla mandiqada, halkaas oo ay ka fuliyeen howlgalo isugu jira jirdil iyo xarig.

Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada gumeysigu ay xireen qaar kamida wadooyinka waawayn oo ku yaalla koonfurta Danta galbeed, iyagoo kumanaan Falastiiniyiin ah u diiday inay gaaraan guryahooda.

Goob joogayaal ayaa sheegay, in dad badan oo Falastiiniyiin ah ay saacado badan ku qaadatay in ay gaaraan guryahooda, taas oo ay ciidamada Yahuuddu uga gol leeyihiin inay xayiraad kusoo rogaan dadka deegaanka xiliyada ay soo gasho bisha barakaysan ee Ramadan.

Ciidamada gumeysiga ayaa sidoo kale dadka Falastiiniyiinta ah ee ka soo jeeda Daanta Galbeed u diiday in ay gudaha u galaan magaalada Qudus, si ay ugu tukadaan Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, waxa ayna u ogolaadeen oo kaliya in haweenka da’doodu ka weyn tahay 40-ka sano ee heysta kaarar aqoonsi ah ay galaan magaalada Qudus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here