Ciidamada Yahuudda ayaa sii wada duullaanka ay ku hayaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Daanta Galbeed, xilli ay iska horimaad la galeen dagaalyahannada wax iska caabinta Falastiiniyiinta, saacado kaddib markii ay xireen 15 Falastiini ah oo ay ku jirto haweeney.
Ilo wareedyo ka tirsan Aljazeera ayaa sheegay, in iska hor imaad u dhaxeeyay Falastiniyiinta iyo ciidamada gumeysiga Yahuudda uu ka dhacay bartamaha xerada Al-Curuub ee Waqooyiga Al-Khaliil, dhanka kale ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay, in wiil dhalinyaro ah uu dhaawac kasoo gaaray rasaasta ciidamada gumeysigu ay ku fureen xerada Al-Curuub.
Sidoo kale ciidamada gumaysiga ayaa xoog ku galay magaalada Idhna oo dhanka Galbeed ka xigta magaalada Al-Khaliil. Ilo wareedyo uwaramay shabakada Aljazeera ayaa sheegay, in ciidamadan ay sidoo kale xoog ku galeen magaalada Kafr Haris oo dhanka galbeed kaga beegan Salfit ee Daanta Galbeed, waxaana ay weerareen guryaha dadka deegaanka.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay, in ciidamada Yahuuddu ay tobaneeyo dhallinyaro ah isugu soo ururiyeen meel fagaare ah, kaddib markii ay xir xireen, waxay ku sameeyeen baaritaanno ka hor inta aysan sii deyn.
Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa xir-xiray 15 Falastiiniyiin ah oo ay ku jirto qof dumar ah, halka ciidamadan ay ku raad joogeen qof ay sheegeen inuu ka dambeeyay howlgalkii hoteelka ee ka dhacay bariga Qalqilya 6-dii January, kaas oo sababay dhimashada 3 Israa’iiliyiin ah.
Ciidamadan Yahuudda ah ayaa xoog ku galay tuulooyinka Hajja iyo Deir Al-Hatab ee bariga Qalqilya, iyagoo u adeegsaday bambooyinka dhawaqa iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, lamanasoo sheegin cid ku dhaawacantay weeraradaas, iyo cid lagu qabtay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.