Ciidamada Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee saakay xoog ku galay tiro ka mid ah magaalooyinka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, waxaana ay xireen tiro Falastiiniyiin ah, iyadoo weerarka gardarada ah uu weli ku wajahan yahay magaalooyinka Jenin, Tulkarm, Tubas iyo xeryahooda, iyadoo ay iska horimaadyo kala kulmeen iska caabinta.
Ciidamada Gumeysiga ayaa gudaha u galay xaafadda Umm al-Sharait ee magaalada Al-Bireh ee Daanta galbeed, sidoo kale waxaa ay xoog ku galeen magaalada Qarawat Bani Zeid oo ka tirsan magaalada Ramallah, waxay sidoo kale Yahuuddu xoog ku galeen magaalada Beytunia oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ramallah iyo magaalada Kafr Aqab oo dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Qudus.
Ilo wareedyo Falastiiniyiin ah ayaa sheegay, in ciidamada gumeysiga Yahuuddu ay weerar ku qaadeen guri ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku yaalla magaalada Beitunia, waxayna sidoo kale weerareen dhismayaal la deggan yahay kadib markii ay xoog ku galeen magaalada Kafr Aqab.
Magaalada Jenin, ilo-wareedyo ayaa Al Jazeera u sheegay, subaxnimadii hore ee maanta in ciidamo Yahuudd ah ay bambaanooyin ku tuureen guryaha Falastiiniyiinta ee ku yaalla aagga Talat al-Ghabz ee magaalada, iyadoo iska horimaad hubeysan uu ku dhex maray dagaalyahano ka tirsan wax iska caabinta Falastiiniyiinta iyo ciidamada Yahuudda.
Dhankooda, guutada Al-Qudus ayaa ku dhawaaqday in ay ka hortageen duullaanka lagu soo qaaday magaalada Tamuun ee gobolka Tubas, waxayna sidoo kale sheegeen in guutada Al-Qudus iyo Guutada Tulkarm ay qarxiyeen gaari ay wateen ciidamada Yahuudda, waxaana la xaqiijiyay in ciidankii saarnaa ay soo gaareen dhaawacyo halis ah.
Wakaalada wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa sidoo kale sheegtay, in ciidamada gumaysigu ay xireen 15 Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro ilmo yar fiidnimadii isniinta intii lagu guda jiray hawlgalo ay ka fuliyeen meelo kala duwan oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, kuwaas oo inta badan lagasoo kala qabtay magaalooyinka Ramallah, Qudus, Tubas iyo Tulkarm.
Tirokoob rasmi ah oo ku saabsan barakicinta qasabka ah ee lagu sameeyay dadka degan xeryaha Jenin iyo Tulkarm ee waqooyiga daanta galbeed ayaa sheegaya in tirada dadka barakacay ay kor u dhaaftay 20 Kun oo qof.
Taas bedelkeeda, guddoomiyaha Tulkarm ayaa ku dhawaaqay in 75% dadka deggan xerada Tulkarm ay si qasab ah uga barakaceen guryahoodii, isaga oo intaa ku daray in ay jiraan ku dhawaad 9 Kun oo Falastiiniyiin ah oo ka barakacay xeradan.
Dhankiisa, afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, ayaa sheegay in xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada uu ka digayo ciidamada Yahuudda ee xeeladaha dagaal ee dilaaga ah u isticmaala Daanta Galbeed, isagoo carabka ku adkeeyay in tani ay kor u qaadayso walaaca laga qabo inuu Daanta galbeed ka dhaco xasuuq lamida kii ka dhacay marinka Qaza.