Ciidamada Yahuudda oo Xoog ku Galay Magaalooyinka Daanta Galbeed.

20
0

Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah xoog ku galay magaalooyin badan oo ku yaalla Daanta Galbeed, ayagoo halkaas ka gaystay falal guracan oo ay kula kacayeen dadka shacabka ah ee halkaas ku sugan.

Ilaha Aljazeera ayaa sheegay, in ciidamada guumaysiga Yahuuddu ay xoog ku galeen magaalooyinka kala ah Dura oo koonfur ka xigta magaalada Khaliil, magaalada Ceyn Qiniya oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Ramallah iyo xerooyinka Balata iyo Ceyn ee magaalada Nablus, waxayna sidoo kale xoog ku galeen magaalada Beyt Fajjar oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Beytul Laxam .

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay, in ciidamada gumeysiga Yahuuddu ay gudaha u galeen guryaha Falastiiniyiinta intii ay ku jireen duulaankooda ka dhanka ah magaalada Qalqiliya.

Fiidnimadii Jimcaha, ilo-wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay in ciidammada gumaysiga Yahuudda ay qarxiyeen guri ku yaalla gudaha xerada Jenin ee waqooyiga Daanta galbeed.

Ilaa hadda, weerarka gardarada ah ee lagu qaaday Jenin ayaa sababay dhimashada 19 Falastiiniyiin ah iyo ugu yaraan dhaawaca 50 kale, hawlgaladan waxaa dhanka kale barbar socday tobaneeyo qof oo Falastiiniyiin ah oo xabsiga loo taxaabay, halka ay burburiyeen illaa 100 guri oo la daganaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here