Ciidamada Yahuudda oo Xoog ku Galay Qaybo ka mid ah Daanta Galbeed, iyo Dagaalyahannada wax iska caabinta oo ka hor tagay.

13
0

Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa sii wada xoog ku gallada ay ku samaynayaan magaalooyinka iyo deegamada Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo ay isku dhaceen dagaalyahano wax iska caabin ah oo isku dayay in ay ka hortagaan weeraradaas.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nabulus ee ku taalla waqooyiga daanta galbeed ee dhulka Falastiin ayaa sheegaya, in ciidamada gumaysigu ay gudaha u galeen magaalada, halka xooggaga wax iska caabinta falastiiniyiintuna ay rasaas ka fureen xerada Balata ee magaaladaas.

Sidoo kale magaalada Salfit oo dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan Daanta Galbeed ayay ciidamada gumeysiga xoog ku galeen guryo ku yaalla tuulada Kafr al-Dik oo dhanka galbeed kaga beegan magaaladaas.

Deegaanka Qalqiliya oo dhanka galbeed kaga beegan Salfit ayay ciidamada gumeysiga kaga soo duuleen koontaroolka koonfureed ee magaalada.

Dhanka magaalada Jenin, Guutooyinka Saraayaa Al-Qudus ayaa waxay sheegeen in dagaalyahannadooda ay u suurtagashay, in ay ka hortagaan ciidamada cadawga oo ku soo duulay magaalada.

Ramallah oo ku taalla bartamaha Daanta Galbeed, ilo-wareedyo ka tirsan warbaahinta falastiiniyiinta  ayaa sheegay, in ciidamada Sahaayinada ay xoog ku galeen jaamacadda Birzeit ee waqooyiga magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here