Ciidamada Yahuudda oo Xoog ku Galla ka sameeyay Nablus iyo Al-Khaliil, halka Muqaawamada Falastiina ay Beegsadtay Baabuurt Gumaystaha.

18
0

Ciidamada guumaysiga Yahuudda ayaa xalay gudaha u galay deegaano ka tirsan Nablus iyo Al-Khaliil, halka guutada Al-Qudus  ee ka dagaalanto Jenin ay shaaciyeen, in dagaalyahanadooda ay qarxiyeen gaari ay leeyihiin Yahuudda.

Sida ay sheegayaan wararka soo baxaya aroornimadii hore ee maanta, dagaalyahanada Jenin ayaa walxaha qarxa la beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamada Yahuudda oo marayay afaafka hore ee magaalada Silat al-Harithiya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sidoo kale soo sheegay, in qaraxyo laga maqlay gudaha xerada Jenin, waxayna kusoo beegmeysaa xilli uu sii socdo howlgalka ciidamada Yahuudda ay ka wadaan xeradaas.

Saqdii dhexe ee xalay, ilo wareedyo ayaa warbaahinta u sheegay in gawaari ay leeyihiin ciidamada Yahuudda ay gudaha u galeen magaalada Nablus iyagoo ka yimid dhanka koontaroolka Deir Sharaf.

Ciidamada Sahaayinada ayaa sidoo kale xoog ku galay magaalada Beit Kahil oo dhanka waqooyi kaga beegan Al-Khaliil, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Aljazeera.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada guumaysiga Sahaayinada ay sii wadaan go’doominta ay maalintii shanaad ku hayaan magaalada Tamuun ee koonfurta Tubas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in ciidamada gumeysiga ay gudaha magaalada ka wadaan xarig aan kala sooc lahayn oo ay ku cabsi gelinayaan carruurta iyo dadka deegaanka, iyadoo boqolaal shacab ah oo ku nool magaalada Tamuun ay ku qasbeen in ay u qaxaan tuulooyinka deriska la ah, iyaga oo ugu hanjabaya hubka, waxayna wariyeyaasha iyo shaqaalaha caafimaadka ka hor istaageen inay gudaha u galaan magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here