Ciidamada Yahuudda oo Xoog Kugal ka Sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Khaliil ee Daanta Galbeed.

16
0

Ciidamada Yahuudda ayaa gudaha u galay magaalada Khaliil, ayagoo weeraray guri ay degan yihiin qoys Falastiini ah oo uu kasoo jeedo halyaygii fuliyay hawgalka toogashada ahaa eek a dhacay magaalada Tel Aviv bishii October ee lasoo dhaafay.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah ciidamada Yahuudda ayaa xoog ku galay guriga uu deganaa ninkii geystay weerarkii ka dhacay Tel Aviv, kaas oo lagu magacaabo Axmed Al-Haimouni, guriga la weeraray ayaana ku yaalla xaafadda Al-Jaamica ee magaalada Khaliil.

2-dii bishii Oktoobar ee sanadkii hore, booliska Yahuudda ayaa sheegay in weerar ay fuliyeen labo halyeey oo ka tirsanaa muqawamada Falastiiniyiinta ay ku dhinteen 7 qof oo Yahuud ah, halka ay ku dhawacmeen 9 kale, waxaana goobta ku shahiiday Labadii halyay ee fuliyay weerarkaas.

Xilligaas, guutooyinka Cizu-Din Al-Qassam, garabka milateri ee dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiiniyiinta Xamas, ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgallada Jacfa ee ay fuliyeen Muxammad Rashid Misk iyo Ahmad Abd al-Fattah al-Haimouni oo ka soo jeeda magaalada Khaliil, kaasoo sababay dhimashada 7 Yahuudd ah iyo dhaawaca 16 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here