Labo qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay, qaar kalena waa la xiray, kaddib howlgalo cusub oo xarig ah oo ay ciidamada gumeysiga Yahuuddu xalay iyo barqanimadii maanta oo Jimce ah ka bilaabeen magaalooyin kala duwan oo ka tirsan Daanta Galbeed.
Hay’adda Bisha Cas ee Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in wiil dhalinyaro ah uu ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada gumaysigu ku fureen dad Falastiinyiin ah, kuwaas oo ku sugnaa bariga magaalada Nablus ee Daanta Galbeed.
Ilo deegaanka ah oo Falastiiniyiin ah ayaa ku waramaya in ciidamada gumaysigu ay xoog ku galeen xero ciidan oo ku taalla Bariga magaalada Nablus, waxayna fariisin ka sameysteen xaafado ka mid ah xeradaas, waxaana jidadkeeda la soo dhoobay ciidamo lug ah, iyadoo la maqlayay rasaas goos goos ah oo ay isweydaarsanayeen Labada dhinac.
Ciidamada gumaysiga ayaa sidoo kale gudaha u galay xerada qaxootiga ee Jalazoun oo dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Ramallah, halka ilo deegaanka ah ay sheegeen in ciidamada gumaysiga ay xoog ku galeen tuulada Kafr Malek oo dhanka Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Ramallah, waxayna halkaas ku weerareen gaadiid ay wateen ciidamada xooggaga Falastiiniyiinta.
Ilo wareedyo ayaa Aljazeera u sheegay, in ciidamada gumeysiga ay xireen haweeney Falastiiniyad ah, kaddib markii ay u dhaceen gurigeeda xilli ay gudaha u galeen magaalada Al-Bireh ee Daanta Galbeed, waxaana taasi sii dheer weerar kale oo ciidamada gumeysigu ay ka fuliyeen magaalada Azzun ee Bariga magaalada Qalqilya ee Waqooyiga Daanta Galbeed.