Ciidamada Yahuudda oo Xoogg Kugal ku Sameeyay Magaalooyin Dhaca Koonfur-Galbeed Dalka Suuriya.

36
0

Ciidamada Yahuudda ayaa shalay xoog ku galay tuulada Taranja oo ku taalla baadiyaha magaalada Quneitra ee dhacda koonfur-galbeed dalka Suuriya, waxayna halkaas ku xireen laba qof oo ay dabagal ku hayeen, sida ay sheegeen ilo-wareedyo goob-joog ah.

Ciidamada Yahuudda ayaa sidoo kale fuliyay howlgalo burburin ah oo ay ku beegsadeen guryo ay dadka shacabka ah lee yihiin, iyagoo u adeegsanaya cagaf-cagafyo, taangiyada Merkavaha ah iyo tobaneeyo kamida askarta Yahuudda. Maalmo ka hor ciidamadan ayaa sidoo kale gudaha u galay magaalada Al-Baath ee baadiyaha Quneitra.

Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu ayaa ku andacooday in tallaabadan ay tahay mid ku-meel-gaar ah oo lagu difaacayo kayaanka Sahaayinada, isaga oo ujeedkiisu yahay in la xakameeyo khataraha Yahuudda uga imaan kara dalka Suuriya.

Balse waxa uu tilmaamay in ciidammadu ay halkaas ku sugnaan doonaan illaa ay Sahaayinadu ka helayso dammaanad qaadka dhinaca ammaanka ah, Iyadoo qaar badan oo ka mid ah dadka Suuriyaanka ah ee gobolka kusugan ay ka cabsi qabaan in duulaankan uu noqdo mid joogto ah.

Horaantii bishan Janaayo ciidamada Yahuudda oo wata taangiyada dagaalka ayaa galay  dhanka galbeed ee tuulada Al-Muallaqa ee magaalada Quneitra, taas oo ka dhignayd duulaan qaawan oo ay ciidamada Yahuuddu kusoo qaadeen konfur-galbeed dalka Suuriya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here