Ciidamada Yahuudda oo Xoojiyay Hawgaladooda ka Dhanka ah Daanta Galbeed.

33
0

Ciidamada Sahaayinada ayaa sii kordhinaya howlgallada milatari ee ay ka wadaan magaalooyinka, deegaamada, tuulooyinka iyo xeryaha Daanta Galbeed ee la haysto.

Magaalada Jenin, ciidamada Yahuudda waxay balaariyeen hawl-galkooda millatari ee ka dhanka ah dadka shacabka ah, kaas oo ka socda magaalooyinka kala ah: Qabatiya, Al-Yamuun, iyo Al-Sayila Al-Xarithiya, halka hawlgallada milateri ee Tulkarm ay sii socdaan maalintii siddeed iyo labaatanaad oo xiriir ah, iyagoo wata gurmadyo milateri oo dheeraad ah.

Xoghayaha Guud ee Hindisaha Qaranka Falastiin, Dr. Mustafa Barghouti, ayaa sheegay, in dhaq-dhaqaaqyada Yahuudda ee hadda ka socda Daanta Galbeed ay ujeedadoodu tahay in la dhaqan geliyo qorshaha uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka hadlay, ee ah in lagu daro Daanta Galbeed dhulka ay Yahuudda xoogga ku haysato ee Falastiin.

Waraysi uu siiyay warbaahinta ayuu Barghouti ku sheegay, in isku dhafka ciidamada Sahaayinada ee Daanta Galbeed ay muujinayso hannaanka isir sifaynta ay Yahuuddu ku hayso Falastiiniyiinta.

Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka difaaca Yahuudda uu shaaca ka qaaday, in ciidamadu ay faarujiyeen 3 xero oo ay ku nool yihiin qaxooti Falastiiniyiin ah oo ku yaalla waqooyiga Daanta Galbeed.

Sida laga soo xigtay wasiirka difaaca Yahuudda Katz, 40 Kun oo Falastiiniyiin ah ayaa laga daadgureeyay xeryaha qaxootiga ee Jenin, Tulkarm iyo Nur Shams.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here