Ciidamada Yukrayn oo Beegsaday Buundo Istaraatiiji ah oo Isku Xirta Ruushka Iyo Jaziirada Qiram.

8
0

Ciidamada amniga iyo sirdoonka gudaha ee Yukrayn, kuwaas oo loo yaqaan SBU, ayaa  si rasmi ah u shaaciyey in ay fuliyeen weerar qarax ah oo xoogan oo lagu qaaday buundada istiraatiijiga ah ee Keraj, taas oo ah marin muhiim ah oo isku xirta dhulka Ruushka iyo jaziirada Qiram ee la haysto.

War kasoo baxay xukuumadda Kiyeef ayaa lagu sheegay in qaraxan xooggan uu ka dhacay meel ka hooseysa buundada, iyadoo la isticmaalay in kabadan kun kiiloogaraam oo walxo qarxa ah oo si qorsheysan loo soo diyaarinayay muddo bilo ah. Weerarkani wuxuu ka mid yahay hawlgallada istiraatiijiga ah ee Yukrayn ay ku doonayso in ay xadido dhaqdhaqaaqa iyo taageerada ciidamada Ruushka ee ku sugan jaziirada Qiram.

Buundada Keraj ayaa ah mid muhiim u ah gaadiidka Ruushka, maadaama ay tahay marin weyn oo isku xirta Ruushka iyo jaziiradda Qiram, taasoo muddo dheer ay adeegsanayeen ciidamada Ruushka, si ay u fududeeyaan isu socodka hubka, ciidamada iyo sahayda kale ee dagaalka.

Hay’adda SBU ayaa caddeysay in weerarkan uu yahay kii saddexaad oo noociisa ah tan iyo sanadkii 2022-ka, taas oo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee Yukrayn ay ku doonayso in ay ku carqaladeyso xiriirka istiraatiijiga ah ee Ruushka iyo jaziirada Qiram.

Saameynta weerarkan ayaa si weyn u joojisay isu socodka gaadiidka ee buundada, taas oo keentay hakad buuxa oo ku yimid marinada muhiimka ah ee ciidamada Ruushka iyo sahayda ay u adeegsan jireen dagaalka.

Wararku waxay tilmaamayaan in weerarkan qorshihiisu uu ahaa mid aad u taxaddar leh, iyadoo la adeegsaday farsamooyin casri ah iyo sirdoon heer sare ah, taasoo ka tarjumaysa awoodda iyo go’aan qaadashada ciidanka Yukrayn ee xilligan adag.

Weerarkan cusub ayaa qeyb ka ah dagaalka sii socdo ee u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, waxaana laga dareemayaa saameyn ballaaran oo dhinaca istiraatiijiga ah iyo xagga dagaalka labadaba, iyadoo warku sii xoojinayo xaaladda dagaal ee gobolka oo weli aan xal rasmi ah helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here