Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay, in ay rideen rasaas digniin ah kadib markii ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay muddo kooban gudaha usoo galeen dalkaas.
Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa intaa ku daray, in illaa 10 askari oo ka tirsan ciidamadooda Kuuriyada Waqooyi ay gudaha usoo galeen dalkooda, iyagoo markii danbana dib u laabtay, kadib markii ay ku rideen rasaas digniin ah, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Wakaaladda ayaa intaas ku dartay, in Kuuriyada Koonfureed ay si dhow ula socoto dhaq-dhaqaaqa Kuuriyada Waqooyi.
Kuuriyada Woqooyi ayaa sii wadda tijaabada hubka waxayna iska dhega tirtay baaqyada isdaba jooga ah ee uga imanayay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahaa inay wada hadal la gasho.
Tan iyo markii xilka loo dhaariyay 20-kii Janaayo madaxwaynaha Donald Trump, wuxuu sheegay inuu mar kale la xiriiri doono hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un si dib loogu soo nooleeyo diblomaasiyadda labada dal.
Kuuriyada Waqooyi ayaan wax jawaab ah ka bixin hadalka Trump, iyadoo sheegtay, in cadawtinada Mareykanka ee iyada ka dhanka ah uu sii xoogeystay tan iyo markii Trump uu xilka qabtay.