Ciidamada maamulka goboleedka Jubbaland ayaa galabta lawareegay gacan ku heynta deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamo daacad u ahaa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka firxaday deegaanka Kulbiyoow ayagoo ka gudbay xuduud beenaadka ay wadagaan Kenya iyo Soomaaliya iskuna dhiibay dowlada Kenya.
Dhanka kale dagaal culus ayaa maanta ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Gedo gaar ahaan deegaanka Dooloow.