Ciidamada xarakada Alshabaab ee ka howlgalka gobolka Shabeelada hoose ayaa habeenkii xalay weerar jid-gal ah u dhigay kolanyo katirsan ciidamada DF kuwaas oo sahay u waday saldhiga Bilidoogle.
Weerarka jid-galkq ah waxa uu sigaar ah ooga dhacay deegaanka Buulalow ee u dhaxeeya degmooyinka Afgooye iyo Wallanweyn.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku gubtay 3 gaari oo Xamuul ah oo ka mid ahaa gawaaridii sahayda waday.
Qaniimada waa 1 gaari Xamuul ah oo ka mid ah gaadiidka sahayda waday.
Dhanka kale, waxaa la soo warinaaya in weerarkas uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.