Taliye ku-xigeenka ciidamada Suudan ayaa sheegay, in ciidamadooda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka “Al-Dashoul” ee Koonfurta gobalka Kordofan, halkaas oo ay gacanta ku hayeen ciidamada Dhaqdhaqaaqa uu hoggaamiyo Abdel Aziz Al-Hilu.
Dhanka kale ilo xog ogaal ah oo ka tirsan ciidamada Sudan ayaa warbaahinta u sheegay in tan iyo waabarigii Arbacada ay diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Suudan ay 4 weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Taageerada degdega ah ay ku leeyihiin agagaarka magaalada Al-Fasher ee xarunta gobolka Waqooyiga Darfur.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Maleeshiyada Taageerta Degdegga ah ay Madaafiic ku garaaceen Qeybo kala duwan oo ka tirsan Al-Fasher, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, waxayna duqaymahani waxyeello gaarsiiyeen dhismayasha magaalada.
Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada iyo xoogaga Taageerada degdega ah waxay wadeen dagaal ay ku dhinteen in ka badan 20 Kun oo qof, halka ay ku barakaceen ku dhawaad 15 Milyan oo qaxooti ah, sida ay sheegtay waxa loogu yeero hay’ada Qaramada Midoobay.