Ciidanka Yahuudda oo Maanta Marinka Qaza ka Gaystay 3 Xasuuq oo ay ku Shahiideen in Kabadan 70 Qof.

5
0

Ciidamada Yahuudda ah ee duulaanka gardarada ah ku qaaday marinka Qaza ayaa maanta gaysatay xasuuq wuxuushnimo ah, kaas oo ay ku shahiideen wax kabadan 70 qof oo Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca wax kamabadan 100 qof.

Wasaaradda caafimaadka ee marinka Qaza ayaa sheegtay, in ciidamada gumeysiga Yahuuddu ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay 3 xasuuq ka geysteen marinka go’adoonsan ee Qaz, kuwaas oo ay ku shahiideen 77 qof, halka ay ku dhaawacmeen 174 qof oo Falastiinyiin ah, waxaana dadkan dhaawaca ah lasoo gaarsiiyay xarumaha caafimaadka.

Wasaaraddu waxa ay bayaan ay soo saartay maanta oo Jimce ah ku cadaysay in shuhadada guud ee dadka Falatiiniyiinta ah gaartan tan iyo 7-dii October 2023-ka 45,206 shahiid, iyadoo xustay in tirada guud ee dhaawacyadu gaareen illaa 107,512 oo qof.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here