Deegaanka Jabalia ee Marinka Qaza ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay barakac aad u ballaaran, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli ciidamada yahuudda howlgalla ay ka wadaan deegaankaasi.
Ciidanka sahaayinada ayaa dadka deegaanka uga baaqay in ay isaga guuraan guryahooda ay ku noolaayeen, iyagoo iclaamiyay in ay billaabanayaan howlgalo ciidan.
waxayn ku andacoodeen in ay ka hortagayaan in muqaawamada ay dib u soo ceshato awooddeeda iyo soo celinta kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanka.
Bayaan uu ku qoray akoonkiisa “X”, afhayeenka ciidanka sahaayinada, ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay u guuraan dhanka Al-Rashid iyo Salaxu-diin iyo mawaasii ee koonfurta Marinka Gaza.
Qiyaastii hal bil ka hor, warbaahinta rasmiga ah ee yahuudda ayaa shaaca ka qaaday in saraakiisha ciidamada ee yahuudda ay daraasaynayaan inay aqbalaan qorshe loogu beddelayo waqooyiga Marinka Gaza aag ciidan.