Ciraaq oo soo Bandhigtay Tirada Askarta Suuriyaanka ah ee dib ugu Laabanaya Dalkooda.

10
0

Mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa Khamiistii ku dhawaaqay, inay dib u soo celiyeen in ka badan 1,900 oo isugu jira askar iyo saraakiil Suuriyaan ah oo u qaxay Ciraaq galabkii uu dhacay nidaamka Bashaar Al-Asad ee ka arimanayay dalka Suuriya, waxayna sheegeen inay damacsan yihiin inay hubkooda ku wareejiyaan dawladda Suuriya ee cusub.

7-dii Disembar, saacado ka hor dhicitaankii Asad, Ciraaq waxay ogolaatay inay soo galaan ilaa 2,000 oo askari oo kasoo cararay Suuriya, oo ay ku jiraan dhaawacyo, marka lagu daro shaqaalaha iyo ilaalada isgoyska Al-Bukamal ee Suuriya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta ammaanka Ciraaq.

Taliska hawlgallada wadajirka ah ee Ciraaq ayaa bayaan uu soo saaray Subaxnimadii Khamiista ku yiri: “ilaa 1,905 saraakiil iyo shaqaale Suuriyaan ah ayaa la soo celiyay oo si sharci ah loogu wareejiyay ciidamada ilaalada Dhinaca Suuriya ee ku sugan  marinka xadka ah Al-Qaim oo ay ka soo galeen”.

Waxay sidoo kale tilmaantay in “36 shaqaale Suuriyaan ah oo ka shaqeynayay isgoyska Al-Bukamal dib loogu celiyay dalkooda Arbacadii kaddib codsigooda.”

Kaddib dhicitaankii Asad, dawladda ku meel gaarka ah ee la wareegtay awoodda Suuriya 8-dii bishii Diseembar ee lasoo dhaafay, waxay ugu yeertay xubnaha ciidamada iyo booliiska iyagoo adeegsanaya baraha bulshada inay soo baxaan oo ay isa soo sheegaan si ay  u dejiyaan xaaladahooda, mid kasta isagoo ku sugan magaaladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here