Cudurka jadeecada oo aad ugu sii Fidayo Dalka Morocco, iyadoo uu cudurka soo Ritay kumanaan Ruux.

30
0

Agaasinka cudurrada faafa iyo ka hortagga cudurrada ee Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Morocco ayaa ku dhawaaqday, in dalkaas uu fara ba’an ku haayo cudurka loo yaqaanno jadeecada, iyadoo la diiwaangeliyay 25 Kun oo xaaladood iyo 120 dhimasho ah tan iyo Sebtembar 2023-kii.

Al-Youbi oo ah maamulaha dalladaas ka hortagga cudurrada ayaa sharraxay, in xaaladdu ay tahay mid aan caadi ahayn, maadaama tan iyo bilowgii faafitaanka cudurka Sebtembar 2023-kii, 25 Kun oo xaaladood la diiwaangeliyay, halka Morocco ay horay udiiwaan galin jirtay inta u dhaxaysa Saddex illaa Afar xaaladood oo kamida cudurkan sannadkiiba.

Dhinaca dhimashada, Al-Youbi ayaa xaqiijiyay, in illaa Axadii la soo dhaafay, 120 qof ay u dhinteen cudurka jadeecada, isagoo ku micneeyay, in dhimashada ugu badan laga soo calaamadeeyay carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano, iyo sidoo kale dadka waaweyn ee kor udhaadaya  37 sano.

Jadeecada waa cudur la is qaadsiiyo oo uu keeno fayraska jadeecada, waxana lagu kala qaadi karaa hawada. Tuseele ahaan marka uu qof cudurka qabo uu qufaco ama hindhiso, fayrasku wuxuu ku jiri karaa hawada muddo gaaban kadib marka qofka cudurka qaba uu ka tago meesha.

Calaamadaha jadeecada waxaa ka mid ah: qandho aad udaran, qufac qallalan, baro yar-yar oo cad-cad oo kasoo baxa afka gudihiisa, qufac iyo hindhiso, iyo finan casaan ama bunni ah oo kasoo bilaabmo wejiga kadibna ku fida jirka intiisa kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here