Shabeelada dhexe.
Ciidamada al-shabaab waxey habeenkii xalay madaafiic ku garaaceen guriga uu degmada Balcad ka dagan yahay madaxweynaha maamul gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.
Cali Guudlaawe ayaa guriga ku sugnaa xilliga duqeynta si dirqi ah ayuuna kaga badbaaday.
Isla Shabeelada dhexe ciidamada Shabaab waxey xalay madaafiic ku garaaceen xero ay ku sugnaayeen Shisheeyaha ee degmada Balcad.
Hiiraan.
Ciidamada al-shabaab waxey xalay qarax la beegsadeen guriga uu degmada Buulo Burte ka dagan yahay Sarkaal ka tirsan NISSA kaasi oo lagu magacaabo Nuur Jiikaay.
Sarkaalkan ayaa qaraxa ka badbaaday balse waxa uu burbur xoogan gaaray guriga sarkaalka.
Jubbada hoose.
Ciidamadamo katirsan shabaab ayaa waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada askarta Kenya ee deegaanka Husingow
Baay.
Dhaqdhaqaaqa al-shabaab waxey habeenkii xalay madaafiic ku garaaceen Eleboorka magaalada Baydhabo oo xarun ciidan u ah askarta Xabashida Itoobiya.
Isla Baay waxey ciidamadan katirsan shabaab weerareen saldhiga Dfka Makuudo ee magaalada Baydhabo.
Ciidankaan ayaa waxey sidoo kale habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xero kowaad ee degmada Diinsoor. Dhaqdhaqaaqa al-shabaaab waxey habeenkii xalay madaafiic ku garaaceen Eleb
Shabeelada hoose.
Waxey Xarakada al-shabaab habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada yugandha ee deegaanka Golweyn ee hoostaga degmada Buulo mareer.