Dab Dhaliyay Khasaare Xooggan oo ka Kacay Dakad ku Taalla Dalka Masar.

25
0

Dab xooggan ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Jimce ah ka kacay dakada marakiibta ee ku taalla degmada Ataka ee gobolka Suweys, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, halka ay ku gubteen ugu yaraan 10 doomood oo ah nooca kalluumeysiga oo dakada ku sugnaa xiliga uu dabku kacayay. Waxaana sidoo kale dabkan ku gubtay  goobo dalxiis oo ku yaalla hareeraha dakada.

Hogaanka Amniga Suweys ayaa helay ogeysiis ku saabsan dabkan saqdii dhexe ee xalay, halkaas oo 12 kamida matoorada dab-damiska ah iyo ambalaasta loo diray goobta dabka, si ay u xakameeyaan ololka ku sii faafaya maraakiibta kale.

Waaxda Dabdemiska ayaa goobta geeysay qalabyo dab-damis ah oo casri ah, kuwaas oo awood u leh inay daqiiqadiiba 12 Kun oo Litir ay ku shubaan halka uu dabku ka holcayo, iyadoo qalabkani uu goobta masaafo ahaan u jiro  in ka badan 70 mitir.

Dhanka kale, dakada uu dabku ka kacay ayaa waxaa gaaray madaxda ammaanka ee gobalka, iyadoon ilaayo hada la xaqiijin waxa sababay dabkan, halka masuuliyinta amaanka ee gobalkasi ay sheegeen inay baaritaan ku hayaan dhacdadan  .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here