Dab Xooggan oo Maalinkii Afraad Si Xiriira uga Socda Gobollo ka Tirsan Dalka Turkiga.

8
0

Dalka Turkiga ayaa wajahaya xaalad degdeg ah oo ka dhalatay dab ballaaran oo kusii fidaya kaymaha dhaca galbeedka iyo koonfurta dalkaas, gaar ahaan gobollada Izmiir iyo Manisa. Tan iyo Axadii la soo dhaafay, kumannaan qof ayaa guryahooda ka barakacay, iyadoo maamulka dalkaas uu ku jiro dadaallo baaxad leh oo lagu doonayo in lagu xakameeyo dabka sii fidaya.

Wasiir ka tirsan xukuumada Ankara oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay, in dabku uu wali ku sii xoogaysanayo illaa lix goobood oo hor leh. Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 80 qof ayaa ku dhaawacmay, sida ay sheegeen laamaha caafimaadka ee dalka Turkiga.

Xaaladda gobollada Hatay, Antakya iyo Badda Aegean ayaa si gaar ah looga cabsi qabaa in uu dabkaasi ku fido, maadaama heerkulka goobahaas uu sare u kac xooggan samaynayo, taas oo keentay in ku dhawaad 50 kun oo qof laga daadgureeyo guryahooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here