Tirada maxaabiista loo haysto dabkii ka kacay hotel ku yaalla gobolka Bolu ee bartamaha dalka Turkiga ayaa gaartay 19 maxbuus, kadib markii la xiray ku xigeenka duqa magaalada Bolu ninka lagu magacaabo Sedat Gulner, ku xigeenka madaxa dab damiska Kenan Coşkun, Maareeyaha Guud ee Hotelka Ahmet Demir, iyo nin qaabilsan dab-demiska oo lagu magacaabo Irfan Akar.
Isbadaladaan ayaa ku soo beegmayo iyadoo ay socoto baaritaannada ay wadaan xafiiska xeer ilaalinta Bolu ee ku aaddan dabkii dilay 78 qof 21-kii bishan Janaayo.
Maxaabiista ayaa waxaa su’aalo waydiiyey Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana loo gudbiyay Maxkamadda Bolu kadib markii ay soo dhameysteen habraacyadii Taliska Ciidanka ee Gobolka. Naqshadeeye gudaha hoteelka ayaa sidoo kale la sii daayay kadib markii la baaray.
Waxaa xusid mudan in baaritaanadii ugu horeeyay ee ay sameeyeen xeer ilaalinta ay ku ogaadeen in dabku uu ka bilowday jikada uuna si deg deg ah ugu baahay Hotelka oo aan laheyn wax dab damis ah.
Marka la eego baaritaanno dheeri ah, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa sheegay, in la ogaaday in dowladda hoose ee Bolu aysan ku wargelin Waaxda Dab-damiska, taas oo xaqiijisay cilladaha tallaabooyinka badbaadada dabka.
Isagoo ka hadlaya ololaha warbaahineed ee kor u qaaday wararka aan rasmiga ahayn ayuu wasiirka cadaaladda ee Turkiga Yilmaz Tunç yiri; “In la isku dayo in la marin habaabiyo ra’yiga dadweynaha iyadoo la daabacayo qoraallo aan rasmi ahayn, oo aan lahayn sharci, waa mas’uuliyad darro.”
Wasiirka Turkiga ayaa intaa ku daray, in la sameeyay guddi khubaro ah si ay arrintan u daraaseeyaan si dhammaystiran, isagoo carrabka ku adkeeyay, in baaritaannada ay usii socon doonaan si hufan.
Talaadadii lasoo dhaafay, mas’uuliyiinta Turkiga ayaa ku dhawaaqay, in ugu yaraan 76 qof ay ku dhinteen, halka 51 kalana ay ku dhaawacmeen dab ka kacay hutel ku yaalla Bolu, taasoo keentay in madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu ku dhawaaqo maalin baroor diiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii ku dhintay dabkaas.