Dad Dhimasho iyo Dhaawac Ku Noqday Duqeymo ay Yahuuddu Ka Fulisay Koonfurta Lubnaan.

3
0

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gumaystaha Yahuudda ayaa saacadihii lasoo dhaafay duqeymo ka geystay Koonfurta Lubnaan, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac sida ay ku warantay Wakaaladda wararka ee dalkaas.

Diyaaradaha Yahuudda ayaana illaa afar duqeymo oo dhanka cirka ah la beegsaday laba baabuur oo marayay degmada Bintu Jubayl iyo guri ku yaalla degmada Xaasbiyaa ee koonfurta Lubnaan.

Wadarta guud ee dadka ku dhintay duqeymahaas ayaana lagu sheegay hal qof, halka ay ku dhaawacmeen Shan kale, kuwaas oo laba kamida ah dhaawacoodu uu yahay mid halis ah, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo-wareedyo xog ogaal ah.

Yahuudda ayaa maalmo markii ay joogtaba duqeymo gaadmo ah ka fulisa Koonfurta dalka Lubnaan, iyadoo sheegata inay ku dishay xubno ka tirsan ururka Shiiciga ah ee isugu yeero Xizbullaah, balse duqeymahaas ayaa inta badan waxaa wax ku noqda dad rayid ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here