Islamabad – Waxaa si xowli ah u sii kordhaya khasaaraha ka dhashay fatahaado xoog leh oo ka dhacay gobollo kala duwan oo ka tirsan dalka Pakistaan, iyadoo la xaqiijiyay in tirada dadka ku dhintay ay haatan gaartay ugu yaraan 32 qof, halka ay wali jiraan dad badan oo la la’yahay iyo kuwa dhaawacyo culus qaba.
Warbixinno rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha gurmadka iyo warbaahinta gudaha ayaa muujinaya in dadka geeriyooday ay kala bar yihiin caruur da’doodu aad u yar tahay, taas oo ka dhigtay musiibadan mid saameyn weyn ku yeelatay qoysas badan oo reer Pakistaan ah.
Gobolka Khaybar Pakhtunkhwa, oo dhaca xuduud beenaadka uu dalkaasi la wadaago Afghanistan, ayaa noqday midka ugu daran ee uu khasaaruhu ka dhacay. Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan 19 qof ay ku dhinteen, kuwaas oo ay ku jiraan 8 carruur ah, kadib markii daadad xooggan ay ku rogmadeen tuulooyin badan oo ku yaalla halkaas.
Dhanka kale, gobolka Punjab, oo ah gobolka ugu dadka badan Pakistaan, ayaa isna dhanka dhimashada laga diiwaangeliyay 13 qof, kuwaas oo badankood ku dhintay kaddib markii biyuhu ku soo rogmadeen guryahooda.
Roobab culus oo wali si xawli ah uga da’aya gobollo badan oo ka tirsan dalka ayaa sii adkeeyay dadaallada gurmadka iyo samatabbixinta. Laamaha gargaarka degdegga ah ayaa wali ku guda jira hawlo adag oo lagu doonayo in lagu gaarsiiyo cunto, biyo nadiif ah, iyo adeegyo caafimaad dadka ay saameeyeen daadadkan.