
Wararka inaga soo gaaraya dalka Lubnaan ee dhaca dhulka barakaysan ee Shaam ayaa tibaaxaya, in Saddex qof ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada Yahuuddu ku fureen magaalada Kfar Kila oo ka tirsan degmada Marjeyoun ee gobolka Nabatieh ee koonfurta Lubnaan.
Wakaaladda wararka ee Lubnaan ayaa sheegtay, in labo ruux oo ka tirsan koox loo xilsaaray inay baaraan khasaaraha ka dhashay gardarrada Yahuudda ee Kfar Kila ay dhaawacmeen, halka uu sidoo kale ku dhaawacmay qof saddexaad oo u dhashay dalka Suuriya, kaas oo xaaladdiisa lagu tilmaamay mid halis ah, taasoo ka dhalatay rasaas ay ciidamada Sahaayinada ku fureen magaalada.
Wakaaladdu waxay tilmaantay, in askarta Sahaayinada ay ku dagaallameen aagga Krom Al-Sharaki, oo bariga ka xiga magaalada Mays Al-Jabal ee degmada Marjeyoun.
Waxa ay ku micneysay, in arrimahan ay ka dambeeyaan siyaasadda cadowga ee la doonayo in lagu argagax geliyo dadka deegaanka, loogana saaro gobolka.