Dadka Shacabka ah ee Kusugan Deegaanka Bariire oo Daabulana Agabkii ay ka Carareen Maleshiyadkii DF.

13
0

Kaddib ka bixitaankii ciidamada dawladda fadaraalka ee deegaanka Bariire ayaa waxaa dadka shacabka ah u suuragashay inay daabushaan dhamaan agabkii ay maleshiyadku kaga carareen xarumihii ay halkaas ku lahaayeen.

Qaar kamida dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay halkaas ka daldasheen agabyo kala duwan oo uu kamid yahay raashin, matooro iyo qalabyo kale oo aan lasoo koobi karin.

Deegaankan ayaa noqonaya kii labaad oo isbuc gudihiis ay mujahidiintu la wareegaan oo dhaca isla Shabellada Hoose, waxayna ciidamadii ku sugnaa u firxadeen dhanka Afgooye oo kaabiga ku haysa deegaabka bariire.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here