Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay duleedka degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabellada Dhexe, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Danab si xun loogu jebiyey dagaalka.
Waxaana dagaaladaasi ku dhintay 6 askari oo katirsan ciidamada dawladda Fadaraalka, halka ay ku dhaawacmeen illaa 4 kale.
Dhanka kale 2 qarax ayaa maleeshiyaatkan galabta lagula eegtay duleedka Ceelbaraf, mid kamid ah qaraxyadaasi ayaa lagu gubay gaari C/Bile ah, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday 8 askari oo ciidamada dawladda ka tirsan.