Ururka shiicaga ee Xisbullah ayaa Axadii maanta sheegay in ay isku dhaceen ciidamada Sahaayinad oo isku dayay in ay gudaha u galaan tuulada Raamiyah ee dhacda koonfurta Lubnaan, waxaana ku dhaawacmay iskahormaadkaas askari ka tirsan waxa loogu yeere ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiya (UNIFIL) .
Duqeymaha Yahuudda ayaa ruxay saldhiga ugu weyn ee waxa loogu yeera ciidamada nabad ilaalinta ku leeyihiin koonfurta Lubnaan, taasoo keentay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wadamada reer galbeedka ay cambaareeyaan weeraradaas.
UNIFIL ayaa ku tilmaantay weerarkaas mid sii hurinaya colaadda gobalka, waxayna sheegtay in amniga shaqaalaha iyo hantida Qaramada Midoobay ay tahay in la dammaanad qaado.
Faransiiska ayaa u yeeray safiirka Yahuudda ufadhiya dalkiisa, waxayna soo saartay dawladda Faransiiska bayaan ay si wadajir ah ugu midaysanyiin dawladaha kala ah: Talyaaniga iyo Spain kaas oo ay ku canbaareeyeen weerarada ay Yahuudda ku qaaday xarumaha ay dalka Lubnaan kaga sugan waxa loogu yeera ciidamada nabad ilaalin ee ka socdo Qaramada Midoobay, wuxuuna Faransiiska ku tilmaamay weerarrada noocan oo kale ah mid aan cudurdaar lahayn.
Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu ka codsaday Yahuudda in aysan bartilmaameedsan ciidamada UNIFIL, Sidoo kale Ruushku ayaa Yahuudda ka dalbadeen in ay joojiyaan weerarada ka dhanka ah ciidamada nabad ilaalinta.