Dagaalka u dhexeeya Masjidka iyo Kaniisada waxa uu ka socdaa Geeska Afrika qarniyo badan, jihaadka lagula jiray nasaarada Xabashida ah waxaa iska dhaxlaayay muslimiinta Geeska Afrika.
Boqortooyada Aksum waxay ahayd xarunta kaniisada Xabashida laga soo bilaabo qarnigii 1aad ilaa qarnigii 12aad ee miilaadiyada; ilaa iyo maanta waxaa ixtiraama kirishtaanka xabashida, waana xarunta laga abaabulo weerarada iyo shirqoolada ka dhanka ah muslimiinta Geeska Afrika.
Boqortoyada Aksum, waxaa dagaalo culus la galay muslimiinta ku noola dhulka Geeska Afrika, waxaana ugu caansana hogaamiyayasha dagaalada adag la galay nasaarada Xabashida, hogaamiye Axmed Gureey oo madax ka ahaa Imaarada Islaamiga ee Cadal.
Muslimiinta Oromada wexee leyihiin maahmaah mujineeysa heerka ay kala joogaan, muslimiinta Oromada iyo qowmiyada Amxaarada oo ilaa iyo maanta calanka u sida kirishtanka xabashida.
Oromada waxay ku maahmaahdaa: “Aniga iyo adiga waxaan la mid nahay sida Muslimka iyo Amxaarada”. Yacnii waa kala fognahay.”
Diinta islaamka wexee mamnuucday in dadka muslimiinta aan eheen lagu qasbo soo galida islaamka. Allah Quranka wuxuu ku yiri :
﴿ لَا إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَدْ تَبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِنْ بِاللَّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَى لَا انْفِصَامَ لَهَا وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ}. [سورة البقرة – الآية 256].
Balse taas badalkeeda kirishtanka Xabashida wexee kumanaan muslimiin ah oo ku noola Geeska Afrika ku qasbeen in ay qasab ku qaataan kirishtanka.
Cilmi-baare Ingiriiska ah oo lagu magacaabo “Thomas Arnold” wuxuu ku sheegay buuggiisa ( Dacwada Islaamka), oo uu daabacay sanadkii 1898dii, in 50000 kun oo muslimiinta Geeska Afrika ku nool ah in lagu qasbay qaadashada diinta kirishtanka, markay tariikhdu ahayd sannadkii 1880kii ee miilaadiyada.
Halganka u dhexeeyay nasaarada xabashida iyo muslimiinta waxaa ku shahiiday hogaamiyaal muslimiin ah, sida halyeygii muslimiinta Geeska Afrika madaxda u ahaa Axmed Gureey Allaha ka aqbalo shahaadada.
Dhanka gaalada dagaaladii ay muslimiintu la galeen waxaa laga dilay sannadkii 1542dii ee miilaadiyada hogaamiye milatari oo Boortaqiis ahaa oo hogaaminayay dagaalkii saliibiyiinta ee Bariga Afrika oo lagu magacaabi jiray “Christopher de Gama” oo ahaa wiil uu dhalay gaalkii caanka ahaa ee lagu magaacabi jiray “Vasco de Gama”.
Sidoo kale hogaamiyasha laga dilay gaalada waxaa kamid ahaa oo ugu caansana boqorkii kirishtanka xabashida ee lagu magacaabi jiray “Lubna Donqul” waxaana lagu dilay dagaal loogu magac daray Wafilah.
Muslimiinta Geeska Afrika dagan, dhankoda wexee gurmad ka heli jireen dowladihii islaamka ee is xigxigay sida khilaafadii Cusmaaniyiinta.
Loolankaas u dhexeeya Masjidka iyo Kaniisada ayaa wali ka socda Geeska Afrika, waxaana maanta mar kale dhul balaarsi cusub sameynaaya nasaarada Xabashida oo sanadkaan cusub ee 2024 ku dhawaaqay in ay awood kula wareegayaan badda Soomaaliya, ayago ka shidaal qaadanaaya dagaalka diimeed ee ka dhexeeya Masjidka iyo Kaniisada Geeska Afrika.
WQ: Axmed Gureey.
Afeef: Soomaalimidnimo marnaba mas’uul kama aha aragtida qoraaga maqaalkan loomana tiirin karo.